Xafiiska Warfaafinta ee Dawlada Deegaanka Soomaalida
Habraaca Diiwaangelinta iyo Fasax-siinta Warbaahinta
QAYBTA KOOWAAD
1. XOGTA GUUD
Habraacan waxaa loogu yeedhi karaa Habraaca diiwaangelinta iyo Fasax-siinta Warbaahinta iyo Hawlaha la xidhiidha ee tirl-02/2015
1.2 MACNAHA
1.2.1. “Ganacsiga warbaahinta iyo Shaqooyinka laxidhiidha” waxaa laga wadaa warshadaynta agabka warbaahinta, soo dajinta, dhoofinta iyo qaybinta Aaladaha iyo Qalabka jumlada ah ama tafaariiqda ah ee warbaahinta daabacaada iyo baroodkaastiga ama ganacsiga aaladaha gudbinta iyo aqbalaada adeegyada warbaahinta elektarooniga, ama ganacsiga qaybinta wargaysyada, majaladaha iyo warbaahinta kale ee daabacaada, Ganacsiga Hawlaha latalinta warbaahinta,shaqooyinka Soosaarista iyo samaynta idhehyada/xayeysiisyada warbaahinta, diyaarinta iyo baahinta barnaamijyada saxaafada. 1.2.2. "xayaysiiska dibadda " waxaa loola jeeda xaysiis walba oo la baahiyo:-
B) iyadoo la isticmaalayo boodhadhka shaashada elektarooniga ama sawirada filimada. T) Qoraal ahaan ama idhehyada dhismayaasha ama si kale walax kasta loogu dhejiyo ama xayeysiisyka gaadiidka lagu gudbiyo. X) idhehyada lagu faafinayo ama loo isticmaalayo boodhadhka, buugag yar yar,iyo waraaqaha fariimaha sida. KH) kuwa cajaladaha maqalka ah, sameecadaha lagu gudbiyo ama D) idhehyada hab kasta baahineed lagu faafiyo.
1.2.3. “Baroodkaasti/Broadcast” waxaa laga wadaa warbaahinta telefishinka iyo raadiyaha
1.2.4.“Warbaahin Xilliyeed” waxa loola jeedaa walxo daabacan oo loo qorsheeyey inay si joogto ah ugu soo baxaan muddo go’an, oo ugu yaraan sannadkii laba jeer ah, lehna astaan iyo magac joogto islamarkaana loola jeedo dadweynaha oo dhan ama qayb ka mid ah .waxaana kamid ah wargeysyada iyo Majaladaha.
1.2.5. “Idheh/xayeysiis” waxaa laga wadaa in laqabto shaqada diyaarinta xayeysiiska warbaahinta islamarkaana iyadoo lamarayo Hanaanka Baahinta warfidiyeenada xayeysiisyada in I dhehyada lagu gudbiyo aaladaha Teleefoonka Gacantada, boostada, mareegta shabakada khadka,fakiska, filimada,Maqalka, Muuqaalka iyo wixii lamid ah.
1.2.6.“Shuruuda xaqiijinta kartida ganacsiga warbaahinta” waxaa laga shuruudaha looga baahan yahay in uu buuxiyo ee lawaydiiyo qofka codsada in lasiiyo fasaxa ganacsi Shaqooyinka warbaahinta
1.2.7. “Fasaxa Xaqiijinta Kartida shaqo ee Ganacsiga warbaahinta”- waxaa loola jeeda, Cadaynta lasiiyo qofka soo codasada Shatiga xaqiijinta Kartida shaqada warbaahinta ee buuxiya shuruudaha Ganacsiga warbaahinta looga baahan yahay
1.2.8. “Codsade/Macaamiil” waxaa laga wadaa qofka Xafiiska warfaafinta DDS Ka soo codasada in lasiiyo Cadaynta xaqiijinta Kartida shaqooyinka warbaahinta ee doonaya inuu kashaqeeyo Ganacsiga shaqooyinka warbaahineed ee Habraacan lagu qeexay
1.2.9.“Adeegga diwaangelinta iyo kaydinta dukumiintiyada”-waxaa loola jeeda Xogta laga diwaangeliyey Qofka kashaqaynaya hawlaha Ganacsiga warbaahinta ee diwaanka xogta, heshiiska, juwanka/receit, warqada codsiga iyo macluumaadka kale ee sharciga la xidhiidha
1.2.10. “Masuul sare” waxaa laga wadaa Madaxa Xafiiska ama kuxigeenka Madaxa xafiiska,xiliga uusan joojinna waa Agaasinka waaxda Maaraynta xogta dawlada(waaxda fasax-siinta)ee xafiiska.
1.2.11.“Xafiis” Waxaa loola jeedaa Xafiiska warfaafinta ee dawlada deeganka soomaalida
1.2.12.“Qof” waxaa laga wadaa Shaqsi dabiici ah ama xubin kasta oo si sharci ah Muwaadinimada shaqsiyeed lagu siiyey.
1.3.Baaxada Habraaca iyo Cidda lagu fulinayo
1.4. Masuulka bixinta fasaxa diwaangelinta ganacsiga warbaahinta
1.4.2.Marka laga reebo Ganacsiga warbaahinta Broadcast-ga, shaqooyinka kale ee xafiisku Shuruudahooda xaqiijinta kartiga shaqo heereeyey, waxaa fasaxa ganacsiga shaqo siinaya xafiiska ganacsiga deegaanka ama wasaarada ganacsiga federaalka iyo bahwadaagta kale ee ay qusayso