XAFIISKA WARFAAFINTA DAWLADA DEEGAANKA SOOMAALIDA XEERKA ANSHAXA WARBAAHINTA IYO WARIYAASHA ITOOBIYA
Maadaama qodabka 29aad ee dastuurka Jamhuuriyada fimuqraadiga Federaalka Itoobiya uu sugayo Xaquuqda Xoriyada Hadalka iyo Saxaafada islamarkaana uu Bayaanka Xoriyada Xogta iyo Warbaahinta itoobiya ee Tirsigiisu yahay 590/2000 uu xeerinayo doorka ay Warbaahinta iyo wariyeyaashu kuleeyihiin dhismaha dimuqraadiyada, iyadoo si anshax sare oo xoriyad, madax banaani iyo dhex dhexaadnimo kudheehan tahay ay u meel mariyaan arrimaha bulshada,siyaasada iyo kobaca dhaqaalaha, ayaa kadib Markii la arkay in inkastoo ay jiraan Xeer Anshaxyo kaladuwan oo ay gooni gooni usoo saareen haya’daha warbaahinta iyo ururada Wariyaasha iyo Warbaahinta dalku, Hase ahaate uu san jirin Xeer Anshax guud oo Heer qaranka oo si toos ah ay ugu dhaqmaan Warbaahinta iyo Wariyaashu, ayey Warbaahinta iyo Wariyaasha Golaha Warbaahinta Itoobiya Xubnaha ka ah oo ay kuwo deegaanka soomaalidu kamid yihiin waxa ay soo saareen Xeerkan Anshaxa Warbaahinta iyo Wariyaasha.
1. Cadaaladnimo
2. Qaadashada gunnda iyo Faa'iidada
3. Fidinta Hadalada Necaybka
4. Xaqnimo
4.1. Kataxadaraan inay daabacaan/baahiyaan xog aan saxnayn,marin habaabin ama xog jihowareerin ah oo kujiraan Cod iyo Sawiro khaldan
4.2. Hadii ay ogaadaan inay tabiyeen ama daabaceen Khaladaad wayn, jumlado Marin habaabin ah ama xogo gurracan waa inay saxaan islamarkaana hadii loobaahdo waa inay Hanaan munaasab ah ay qoraal ama idheh Raali gelin uga bixiyaan
4.3.Inkastoo xoriyada soo saarayaasha warbaahinta la ilaaliyey, haddana waxay soo saarayaasha Masuuliyada kala saaran tahay inay hubiyaan ciwaanada, talobixinada, xaqiiqda iyo humaaga eexda dhalin kara ee baahintooda kujiri kara.
4.4.Inay cadeeyaan wax kasta oo xigasho ileed ubaahan.
4.5.Hadii uu saxnaanta Tabinta shaki galo ilaa ay saxnaanta tabinta sabab cad oo kufillan uhelayaan waxay masuuliyad kasaaran tahay waa inay baadhaan.hadii ay xaqiijinta saxnaanta xogta awoodi waayan Waa inay si cad uqeexaan inaan xogtaas lahubin.
5. Qarinta ilaha xogta
5.1. Warbaahinta iyo wariyaashu Marka ay helaan xog sir ah, waa inay ku dhaqmaan Xeerka xirfadda qarinta sirta isha xogta.
5.2. Warbaahinta iyo wariyaasha wuxuu waajib maxkaxeed(Moral) kasaaran yahay inay ilaaliyaan Sirta ilaha xogaha qarsoodiga ah.
6. Masuuliyada bulsho
6.2. warbaahinta waxay masuuliyad balaadhan oo ayna cidi lawadaagin kasaaran tahay kobcinta Nabad galyada guud iyo dhismaha isjecaylka bulshada.
6.3.xiliyada uu shacabka, qoomiyadaha ama diimaha khilaaf/iskudhacyo kadhex jiraan warbaahintu waa in kadib marka ay xaqiijiyaan xaalada dhabta ah ee wararka, talobixinada, afkaarta iyo runta jirta ay baahiyaan, iyagoo diirada saaraya iskuxidhka, ehelnimada iyo abuurida nabad galyo shacabka kadhex dhalata.
6.4. Guud ahaan xiliyada khilaafaadka, gaar ahaana xiliyada ay iskudhacyo ama Isfahan la’aan shacab jirto saxaafadu waa inay :- B.kadhawrsadaan isticmaalka ciwaanada kicinta iyo xamaasada Xambaarsan.
T.Ciwaanada warka madaxdiisa ee ladaabacayo ama afkaartuna ciwaanka kucad waa inay noqdaan kuwo hawlaha loola jeedo fikir kabixinaya iyo sabab cad leh. J.jumladaha Ciwaanada sare ee eedaymaha/dacwadaha/dhaliilaha muujinaya ugu yaraan waa in calaamad lasaaro cidda eedaymaha ama isha ama dacwadaha/dhaliisha lagu sheegayo.
6.5. Saxaafaddu marka ay baahinayso warbixinnada weerarrada argagixisada ama iskudhacdyada shacab ama masiibooyinka dabiiciga ah, waa in ay saxaafaddu ka fogaato daabacaadda/gudbinta muuqaallada iyo sawirada muujinaya meydadka murugada xun leh ama falalka kale ee argagaxa leh ama dareenka dareenka bulshada kicinaya
6.6. Mabaadi’da xeerkan ku xusan waxay mudnaan sare siinayaan Danta shacabka, gaar ahaan:- B. Baarista iyo soo bandhigida dambiyada ama khaladaad culus; T. Ilaalinta caafimaadka iyo Amniga dadweynaha J.inuu warbaahinta iyo wariyaasha xil ka saran inay ka hortagaan in shacabka hadal hal qof ama hay’ad si khaldan tidhi ay marin habaabiyaan