QODOBKA 4aad

Arrimaha isticmaalka Warbaahinta bulshada gaarka loo leeyay

4.1. Xubin kasta oo shaqaalaha xafiiska ka mida marka ay warbaahinta bulshada isticmaalayaan; ka sokow habraacan waa in ay qadariyaan habraacyada kale ee shaqada xafiiska lagu hogaamiyo.

4.2. Xubin walba oo shaqaalaha xafiiska ka mida marka uu isticmaalayo warbaahinta bulshada in uu fikirkiisa, aragtidiisa gaarka ah ama isaga oo ka duulaya arrin Diin ku salaysan, uu dhankiisa dambe soo dhigto sumada, sawirka ama astaanta (Logo) xafiiska isla markaana isagoo arragtidiisa shaqsiyeed u

ekaysiinaya fikir xafiisku qabo uu fikirkiisa cabiro way reebantay