QAYBTA KOOWAAD
1. XOGTA GUUD
1.1.CIWAAN GAABAN
Habraacan waxaa loogu
yeedhi karaa Habraaca diiwaangelinta iyo Fasax-siinta Warbaahinta iyo Hawlaha
la xidhiidha ee tirl-02/2015.
1.2.
MACNAHA
Hadii aan macnaha
erayga Si kale loo turjumin, Macnaha erayada Habraacan kujira waxaa laga
wadaa:-
1.2.1. “Ganacsiga
warbaahinta iyo Shaqooyinka laxidhiidha” waxaa laga wadaa
warshadaynta agabka warbaahinta, soo dajinta, dhoofinta iyo qaybinta Aaladaha
iyo Qalabka jumlada ah ama tafaariiqda ah ee warbaahinta daabacaada iyo
baroodkaastiga ama ganacsiga aaladaha gudbinta iyo aqbalaada adeegyada
warbaahinta elektarooniga, ama ganacsiga qaybinta wargaysyada, majaladaha iyo
warbaahinta kale ee daabacaada, Ganacsiga Hawlaha latalinta
warbaahinta,shaqooyinka
Soosaarista iyo
samaynta idhehyada/xayeysiisyada warbaahinta, diyaarinta iyo baahinta
barnaamijyada saxaafada.
የሶማሌ ክልል መንግስት ኮሙዩኒኬሽን ቢሮ
SOMALI REGIONAL STATE COMMUNICATION BUREAU
XAFIISKA XIDHIIDHKA GOBOLKA SOOMAALIYEED